Melbourne, 10-Jan-2007 Allarlaadi Waxaa
ka dhacay magaalada Melboune, ee wadanka
Australia xaflad sagootin iyo casho sharaf oo ay
bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Melbourne ku
sagootinayaan wasiirka cusub ee Maaliyada iyo
Qorsheyta ee DKG ee Soomaaliya, mudane Mohamed
Ali Hamud.
Xafladdaas oo ay soo abaabushay Ururka
Aqoonyahanada Somaaliyeed ee u dhaqan wadanka
Australia, marka lasoo gaabiyana loo yaqaan
ASAP. Xafladan waxaa sidoo kale ka soo qayb
galay aqoonyahada Soomaaliyeed ee ku dhaqan
wadanka Australia, iyagoo dardaaran iyo
siisagootinba ugula dardaarmayay Wasiirka.
Waxaa halkaa talo bixin iyo dardaaran ka soo
jeediyey aqoonyahanadii isugu yimi xafladaas, oo
misna u jeediyay tahniyado iyo bogaadin wasiirka
cusub ee Maaliyada iyo Qorsheynta ee DKG ah ee
Soomaaliyeed. Waxaa kaloo hadal guubaago ah ka
soo jeediyay guddoomiyaha Ururka Aqoonyahanad
Soomaaliyeed Dr. Cali-Nuur Xassan Ducaale, oo
una balanqaaday wasiirka in aqoonyahanda ku
dhaqan wadanka Australia la shaqeyn doonaan
dawlada si dib loogu hanto qarankii iyo
sharaftii luntay.
Waxaa isna halkaa hadal mahadnaq ah ka
jeediyey wasiirka Mudane Mohamed Ali Hamud oo
aad ugu farxay sida sharafta leh ee loo qaban
qaabiyey xafladda sagootintiisa iyo Waxaa kale
uu kula dardaaarmay dhammaan aqoonyahandii ka
soo qeybgashay xafladdaaas in si wadajir ah
loogu guntamo dib u dejinta iyo dib u dhiska
wadankii hooyo.
Misna wuxuu carabka ku dhuftay halka ay
Soomaaliya marayso iyo halka ay wadamada deriska
ahi marayaan. Sidoo kale, wuxuu dhammaan dadkii
halkaa joogay u sheegay in midnimo iyo
wadashaqeyn horumar lagu gaaro.