Allarlaadi       

WELCOME TO ALLARLAADI.COM

BBC SOMALI

BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

 

SEARCH

SOMALI LINKS

Allpuntland
Allbaargaal
Alljubbaland
Allkarkaar
Almujaahid
Aminarts.com
Allsbc
Allmudug
Awdalnews
Allsanaag
Abaaqaroow
Afnugaal
Aayaha.com
Agabso.com
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
Baidoa.com
Boocame
Biyokulule
Bulsho
Cawslafil
Ceegaag
Dayniile
Dhahar.com
Doollo
Jamhuuriya
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Halganews
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Idamaale.com
Iibgal.com
Jidbaale
Laasqoray.net
KismaayoPost
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Onkod.net
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Buuhoodle
Radio Garowe
Radio Dalmar
RadioFreeSomalia
Shabelle.net
Sscayn.com
Somalia Online
Somaali.com
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Somalilandfuture
Ufurow.com
Widhwidh.com
Wayaha.net
WardheerNews
Xargaga

ISLANIC LINKS

Boqolsoon
Quran

 
     
Allarlaadi.

mudane ku soo dhawoow bogan.

 

Dr.Maxamed Afkuul

mahadsanidiin.

mudane musharax marka hore waxaad noo sheegtaa maxaa kuugu dhaliyay inaad isu sharaxdo jagada madaxwaynenimada?

Dr.Maxamed Afkuul  wuxuu yiri

anigoo ah muwaadin Soomaaliyeed run ahaantii sida muwaadiniinta kale ee horay madaxweyne dalka ugu soo noqotay xaq ayaan u leeyahay hase yeshee waxaan ku kala gedisanahay  anigoo dalka iyo dadka waxbadan u sooqabtay aaminsan inaan weli in ka badan u qaban karo.

Allarlaadi.

Mudane hada adiga waxaad degentahay wadanka Mareykanka hadaba sidee diyaargarowgaagu yahay?

Dr.Maxamed Afkuul

Degenaansho la'aanta ka jirta dalka gaar ahaan magaalada muqdisho ayaa keentay inaan marka hore isku soo abaabulo dalka dibadiisa ka dibna aan imaado dalka marka taageerayaashayda ama dadka dalka gudihiisa  qabanqaabada musharaxnimadayda wada ay ii ogolaadan ama ay ii cayimaan marka loo baahdo inaan imaado.

Allarlaadi.

Qaabkee ayaad u malaynaysaa inaad isu sharixi doonto maadaamaa aad noo sheegtay inaad taageero yaal badan wadanka gudihiisa iyo dibadiisa aad ku leedahay?

Dr.Maxamed Afkuul

Runtii halka aan joogo waa Maraykankee qaab xisbi ayuu madaxwaynuhu isu soo sharaxa lakiin soomaaliya madaxwaynaha si toos ah shacabka ayaa u doorta,sidaa daraadeed maadaama aan tageero badan ka haysto iyo kalsooni dadkayga waxaan filaayaa inay musharaxnimadayda buuxin doonto qaabka dimuquraadiga iyo distuuriga.

Allarlaadi.

Maxay tahay waxa dadka  kuugu dooran karaan ee aad kaga duwanaanayso musharixiinta kale ee kula tartami doono?

Dr.Maxamed Afkuul

Kaladuwanaansho mar walba waa jiraysaa sababtoo ah gacmaha farahooda ma sina laba musharaxna is ku fikrad ma aha isku ujeedana ma noqonkaraan,hadaan tayda dib ugu soo laabto aniga waxa aan soomaaliya la doonaayo waa nabad gelyo waarto oo aan rabitaankeeda ku taaganah marwalba lana jec lahay dalkayga, ta kale waxaa jirta inaan dhinaca caafimaadka oo aan aqoon u lee yahay ay ka mid tahay wax yaabaha iigu muhiimsanaan doono, dhanka kale waxbarashada oo aan ogahay inay tahay aalada kaliya ee lagula dagaalami karo degenaansho la'aanta ka jirta dalkeena. ajendayaasha ma yara lagumana soo koobi karo hal waraysi oo kaliya.tusaale ahaan dadkeena waxaan uga faa' iidayn doonaa fahmida iyo ka faa'iidaysiga khayraadka baaxada leh ee rabi nasiiyay. waxaana balan qaadayaa inaan  fursad u siiyo qofwalba inuu helo cadaalad iyo nabad soocelisa kalsoonidii dhuntay 17 sanno ee la soo dhaafay.

Allarlaadi.

horay waxaad isugu soo sharaxday jagadii labaad ee Ra'iisal wasaaraha taa soo ah jagada ugu  saraysa soomaaliya oo aad qofkii labaad gashay, ma ku qancid la'aan ayaad hada isugu sharaxaysaa madaxwayninimada?

Dr.Maxamed Afkuul

ku qancid iyo ku qancid la'aan midna ma aha masuuliyada ee waa rabitaanka badal loo baahan yahay inuu helo dalka taas oo ka timid shacabka, anigu ma aha inaan jago rabitaan aan isu sharaxaayo ee waxaan rabaa inay dadkeena helaan buuxinta baahida maamul la'aaneed ee daba dheeratay waxaana  qof walba garan karaa in waxa kaliya ee looga bixi karo ay tahat inuu yimaado isbadal balaaraan oo daacadnimo xanbaarsan , mana aha mid aniga kaliya igu koobaan ee waa waajibaad saaraan wadani walba oo isu sharaxaayo madaxwaynanimada.

Allarlaadi.

Qaybta labaad ee waraysigan ka akhriso bogaan.

 

 

 

   
Cabdala Deerow Isaaq (1950-2006)-Siyaasi/ Halgame/ Aqoonyahan shirqool siyaasadeed lagu dilay Jimco 28/07/2006 ka dib markii uu ka soo baxay masjidk Sheekh Maxamed Hargaysa ee xaafada Busley, Baydhabo oo uu ku soo tukaday salaada Jimcaha
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 Contact@Allarlaadi.com