|
Cabdala
Deerow Isaaq (1950-2006)-Siyaasi/ Halgame/ Aqoonyahan shirqool
siyaasadeed lagu dilay Jimco 28/07/2006
ka dib markii uu ka soo baxay masjidk Sheekh Maxamed Hargaysa ee
xaafada Busley, Baydhabo oo uu ku soo tukaday salaada Jimcaha |
Waxaanu
mahadcelinaynaa
Professor Mohamed
Haji Mukhtar oo ah bare sare oo cilmiga taariikhda Afrika ka
dhiga jaamacadda Savannah State University oo hoos timaadda
wilaayadda (gobolka) Georgia ee wadanka Maraykanka isla markaasna ah qoraaga
Qaamuuska Taariikhda
Soomaaliya:
Historical Dictionary of Somalia
oo gacan nagu siiyay soo ururinta
taariikh
nololeedkii Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq |
|
Taariikh
nololeedkii Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq:
3 August 2006 |
|
Maalintii
Jimcaha oo ay taariikhdu ahayd 28 Luulyo 2006 ayaa
waxaa magaalada Baydhabo dil toogasho ah lagu dilay Marxuum
Cabdalla Deerow Isaaq oo ahaa siyaasi/ halgame/ aqoonyahan maqaam sare
kaga jiray taariikhda siyaasadeed ee qowmiyaada Digil iyo Mirifle.
Dilka
Cabdalla Deerow oo salka ku haya shirqool siyaasadeed abaabulan oo si
gurracan loo soo maleegay ayaa wuxuu ku reebay laabta dhammaan dadyowga
Digil iyo Mirifle utun iyo gocasho waarta oo hore u gilgishay kuna
reebtay xasuus xun oo maskaxda iyo wadnaha gunta u fadhida oo loo
aanaynayo dilalka ku salaysan shirqoolka siyaasadeed ee lala beegsanayo
waxgaradka iyo siyaasiyiinta sutida u daruuray una guntaday in ay u
horseedaan umadda ay ku abtirsadaan hanashada xuquuqdooda siyaasadeed ee
lama taabtaanka ah ee ay qowmiyadu leedahay.
Dilka
Marxuum Cabdalla Deerow
Isaaq wuxuu dib u soo nooleeyay xasuusta murugada leh ee dilalka
abaabulan ee gaamuray oo lagula kacay siyaasiyiintii Digil iyo Mirifle
ee ka horreeyay Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq oo
aanu ka xusi karno dilkii hogaamiyihii Hisbiya Digil & Mirifle (HDM)
Ustaad Cusmaan Maxamed Xuseen oo ahaa hal-abuuraha nidaamka federaalka
ee Soomaaliya oo bishii Maajo, 1952-dii shirqool abaabulan lagu dilay
ayna ku xigeen siyaasiyiiin ay ka mid ahaayeen Macalin Cumar iyo Axmed
Rashiid Sheekh Maxamed "Qul Qul". Waxaa kaloo xusid mudan in sanadkii
1957 siyaasigii waynaa ee Digil iyo Mirifle marxuum Cadiqaadir Maxamed
Aadan "Zope" uu Ilaahay ka badbaaday isku day dil ku salaysan shirqool
siyaasadeed.
Hadaba si aanu u
xasuusano walaalkeena Cabdalla Deerow Isaaq ayaa waxaanu soo ururinay
taariikh nololeedkiisa.
Marxuum Cabdalla Deerow
Isaaq wuxuu sanadkii 1950 ku dhashay Tuulada Ceelgaras ee gobolka Bakool
wuxuuna waxbarashadiisa dugsiga Qur’aanka ku bilaabay isla Tuulada
Ceelgaras oo u dhaxaysa degmada Tijeeglow iyo degmada Xudur ee gobolka
Bakool. Marxuumka ayaa waxbarashadiisa aasaasiga (Scuola Elementare )
wuxuu ku soo qaatay magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, wuxuuna markii uu
dhamaystay noqday macalin PP (Primary Programme Teacher), wuxuuna markii
danbe uu ku guulaystay imtixaanki loo geli jiray Kulliyadii Tababarka
Macalimiinta ee Lafoole ( Lafole
College of Education) oo uu waxbarasho ka
billaabay wuxuuna ku takhasusay English (Major/History (Minor). Markii
uu ka qalinjebiyay Lafoole bishii December 1979 ayaa waxaa loo diray
degmada Xudur wuxuuna noqday maamulaha Dugisga Sare ee Xudur intii u
dhaxaysay 1981-1990.
Ka dib markii la riday
xukuumadii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre wuxuu Cabdalla Deerow
ku biiray ururkii SDM (Somali Democratic Movement). Cabdala Deerow Isaaq
wuxuu door lama ilawaan ah ka qaatay u gargaaridda dadkii ay ka
habsadeen masiibooyinkii uu beni'aadamku abuuray ee sababay in ay
macluul u geeriyoodaan maalin kasta boqolaal ka mid ah dadkii ku dhaqnaa
gobolada Baay iyo Bakool wuxuuna Cabdala Deerow Isaaq ka hawlgalayay
xaruumaha quudinta magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda asagoo la
shaqaynayay ururka samafalka ee magaciisa loo soo gaabiyo CRS (Catholic
Relief Services).
Marxuum Cabdalla Deerow
Isaaq wuxuu ka mid ahaa ragii fara ku tiriska ahaa ee joogay Baydhabo
17/09/1995 markii uu general Maxamed Faarax Caydiid uu xoog iyo
faramaroorsi ku qabsaday magaalada Baydhabo uuna afgembiyey maamul
goboleedkii ugu horeeyey ee ay samaystaan qowmiyada Digil iyo Mirifle
wuxuuna Cabdalla Deerow Isaaq ka mid noqday ragii abaabulay kacadoonka
lagaga hor yimid general Caydiid wuxuuna ka mid ahaa
aasasayaashii ururkii RRA (Rahanweyn Resistance Army) oo dhidibada loo
aasay Oktoobar 13, 1995.
Cabdalla Deerow wuxuu
halgankiisii ka sii watay halkaas wuxuuna ka dhex muuqday muuqaallada
cajalad muuqaal ah (video) tii ugu horraysay ee laga soo duubay
dagaalyahaniinta RRA oo 06/06/1999 gacanta ku dhigay Baydhabo wuxuuna
noqday Xoghayihii Guud ee RRA.
15/05/2000 waxaa uu
hogaaminayay ergadii Digil iyo Mirifle ee uu maamulkii RRA u dirsaday
shirkii Carta, Jabuuti wuxuuna shirka Carta ka noqday shir
gudoomiyaashii ergadii ka soo gaybgalay shirka oo Soomaalida lagu
heshiisiinayay waxaana 20/ 08/2000 ka dib doorasho socotay afar (4) saac
Caabdalla Deerow Isaaq uu ku guulaystay jagada GUDDOOMIYAHA GOLAHA
SHACABKA ee KMG waxaana 21 /08 2000 loo dhaariyay Cabdalla Deerow
Guddoomiyaha GOLAHA SHACABKA ee dawladii Carta. 10/09/2000 ayaa wafdi uu
hogaaminyay Cabdala Deerow waxay ka duuleen Madaarka caalamiga ah ee
Jabuuti iyaga oo ku sii jeeda wadanka NIGERIA oo ay kaga qaybgaleen
shirka Baarlamaanada Afrika.
Sanadkii 2002 Cabdala Deerow
Isaaq wuxuu hogaaminayay ergadigii dawlada TNG (Transitional National
Government) wuxuuna intii uu shirkan socday uu aad ugu ololeeyay in ay
lama huraan tahay in dalka Soomaaliya lagu maamulo hannaanka federaalka
si loo helo qaab ku ay nabad iyo wada noolaansho ku helaan bulshada
Soomaalida wuxuuna ka mid ahaa 24-tii hogaamiye ee saxiixay heshiiskii
xabad joojinta iyo dhisidda dowlada federaalka.
Bishii September 2004
Cabdalla Deerow Isaaq wuxuu ka mid ahaa murashixiintii loo baratansiiyay
jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dawlada federaalka ee uu ku
guulaystay
Shariif Xasan Sheekh Aadan
oo haatan ah Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya,
wuxuuna Cabdala Deerow Isaaq
shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee muddo labo sano ah ka socday
dalka Kenya dawladii ka dhalatay Golihii Wasiirada lagu soo dhisay loogu
magacaabay
Wasiirkii Dastuurka & Arrimaha
Federaalka wuxuuna xilkan hayay ilaa dilkiisa.
Marxuum Cabdala Deerow Isaaq
wuxuu ahaa nin bulshay ah oo bashaash ah oo dadka aad u ixtiraama
runtana aan ka gaban oo marna aan ka baqin in uu si bareer ah oo
saraaxad leh ugu cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed siiba masaaliixda
siyaasadeed ee qowmiyaada Digil iyo Mirifle warbaahinta iyo
siyaasiyiinta ay jaalka ahaayeen taasoo aakhirkii u horseeday in loo
maleego shirqoollkii lagu dilay.
Marxuum Cabdala Deeow Isaaq
wuxuu ifka kaga tagay 7 caruur ah iyo laba xaas. |