Abdulaahi Deerow
WELCOME TO ALLARLAADI.COM
 
   

Cabdala Deerow Isaaq (1950-2006)-Siyaasi/ Halgame/ Aqoonyahan shirqool siyaasadeed lagu dilay Jimco 28/07/2006 ka dib markii uu ka soo baxay masjidk Sheekh Maxamed Hargaysa ee xaafada Busley, Baydhabo oo uu ku soo tukaday salaada JimcahaCabdala Deerow Isaaq (1950-2006)-Siyaasi/ Halgame/ Aqoonyahan shirqool siyaasadeed lagu dilay Jimco 28/07/2006 ka dib markii uu ka soo baxay masjidk Sheekh Maxamed Hargaysa ee xaafada Busley, Baydhabo oo uu ku soo tukaday salaada Jimcaha

Waxaanu mahadcelinaynaa Professor Mohamed Haji Mukhtar oo ah bare sare oo cilmiga taariikhda Afrika ka dhiga jaamacadda Savannah State University oo hoos timaadda wilaayadda (gobolka) Georgia ee wadanka Maraykanka isla markaasna ah qoraaga Qaamuuska Taariikhda Soomaaliya Historical Dictionary of Somalia oo gacan nagu siiyay soo ururinta taariikh nololeedkii Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq

Taariikh nololeedkii Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq: 3 August 2006

Maalintii Jimcaha oo ay taariikhdu ahayd 28 Luulyo 2006 ayaa waxaa magaalada Baydhabo dil toogasho ah lagu dilay Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq oo ahaa siyaasi/ halgame/ aqoonyahan maqaam sare kaga jiray taariikhda siyaasadeed ee qowmiyaada Digil iyo Mirifle.

Dilka Cabdalla Deerow oo salka ku haya shirqool siyaasadeed abaabulan oo si gurracan loo soo maleegay ayaa wuxuu ku reebay laabta dhammaan dadyowga Digil iyo Mirifle utun iyo gocasho waarta oo hore u gilgishay kuna  reebtay xasuus xun oo maskaxda iyo wadnaha gunta u fadhida oo loo aanaynayo dilalka ku salaysan shirqoolka siyaasadeed ee lala beegsanayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta sutida u daruuray una guntaday in  ay u horseedaan umadda ay ku abtirsadaan hanashada xuquuqdooda siyaasadeed ee lama taabtaanka ah ee ay qowmiyadu leedahay.

Dilka Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq wuxuu dib u soo nooleeyay xasuusta murugada leh ee dilalka abaabulan ee gaamuray oo lagula kacay siyaasiyiintii Digil iyo Mirifle ee ka horreeyay Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq oo aanu ka xusi karno dilkii hogaamiyihii Hisbiya Digil & Mirifle (HDM) Ustaad Cusmaan Maxamed Xuseen oo ahaa hal-abuuraha nidaamka federaalka ee Soomaaliya oo  bishii Maajo, 1952-dii shirqool abaabulan lagu dilay ayna ku xigeen siyaasiyiiin ay ka mid ahaayeen Macalin Cumar iyo Axmed Rashiid Sheekh Maxamed "Qul Qul". Waxaa kaloo xusid mudan in sanadkii 1957 siyaasigii waynaa ee Digil iyo Mirifle marxuum Cadiqaadir Maxamed Aadan "Zope" uu  Ilaahay ka badbaaday isku day dil ku salaysan shirqool siyaasadeed.

Hadaba si aanu u xasuusano walaalkeena Cabdalla Deerow Isaaq ayaa waxaanu soo ururinay taariikh nololeedkiisa.

 

Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq wuxuu sanadkii 1950 ku dhashay Tuulada Ceelgaras ee gobolka Bakool wuxuuna waxbarashadiisa dugsiga Qur’aanka ku bilaabay isla Tuulada Ceelgaras oo u dhaxaysa degmada Tijeeglow iyo degmada Xudur ee gobolka Bakool. Marxuumka ayaa waxbarashadiisa aasaasiga (Scuola Elementare ) wuxuu ku soo qaatay magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, wuxuuna markii uu dhamaystay noqday macalin PP (Primary Programme Teacher), wuxuuna markii danbe uu ku guulaystay imtixaanki loo geli jiray Kulliyadii Tababarka Macalimiinta ee Lafoole ( Lafole College of Education)  oo uu waxbarasho ka billaabay wuxuuna ku takhasusay English (Major/History (Minor). Markii uu ka qalinjebiyay Lafoole bishii December 1979 ayaa waxaa loo diray degmada Xudur wuxuuna noqday maamulaha Dugisga Sare ee Xudur intii u dhaxaysay 1981-1990.

 

Ka dib markii la riday xukuumadii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre wuxuu Cabdalla Deerow ku biiray ururkii SDM (Somali Democratic Movement). Cabdala Deerow Isaaq wuxuu door lama ilawaan ah ka qaatay u gargaaridda dadkii ay ka habsadeen masiibooyinkii uu beni'aadamku abuuray ee sababay in ay macluul u geeriyoodaan maalin kasta boqolaal ka mid ah dadkii ku dhaqnaa gobolada Baay iyo Bakool wuxuuna Cabdala Deerow Isaaq ka hawlgalayay xaruumaha quudinta magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda asagoo la shaqaynayay ururka samafalka ee magaciisa loo soo gaabiyo CRS  (Catholic Relief Services).

 

Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq wuxuu ka mid ahaa ragii fara ku tiriska ahaa ee joogay Baydhabo 17/09/1995 markii uu general Maxamed Faarax Caydiid uu xoog iyo faramaroorsi ku qabsaday magaalada Baydhabo uuna afgembiyey maamul goboleedkii ugu horeeyey ee ay samaystaan qowmiyada Digil iyo Mirifle wuxuuna Cabdalla Deerow Isaaq  ka mid noqday ragii abaabulay kacadoonka lagaga hor yimid general Caydiid wuxuuna ka mid ahaa aasasayaashii ururkii RRA (Rahanweyn Resistance Army) oo dhidibada loo aasay Oktoobar 13, 1995.

 

Cabdalla Deerow wuxuu halgankiisii ka sii watay halkaas wuxuuna ka dhex muuqday muuqaallada cajalad muuqaal ah (video) tii ugu horraysay ee laga soo duubay dagaalyahaniinta RRA oo 06/06/1999 gacanta ku dhigay Baydhabo wuxuuna noqday Xoghayihii Guud ee RRA.

 

15/05/2000 waxaa uu hogaaminayay ergadii Digil iyo Mirifle ee uu maamulkii RRA  u dirsaday shirkii Carta, Jabuuti wuxuuna shirka Carta ka noqday shir gudoomiyaashii ergadii ka soo gaybgalay shirka oo Soomaalida lagu heshiisiinayay waxaana 20/ 08/2000 ka dib doorasho socotay afar (4) saac Caabdalla Deerow Isaaq uu ku guulaystay jagada GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA ee KMG waxaana 21 /08 2000  loo dhaariyay Cabdalla Deerow Guddoomiyaha GOLAHA SHACABKA ee dawladii Carta. 10/09/2000 ayaa wafdi uu hogaaminyay Cabdala Deerow waxay ka duuleen Madaarka caalamiga ah ee Jabuuti iyaga oo ku sii jeeda wadanka NIGERIA oo ay kaga qaybgaleen shirka Baarlamaanada Afrika.

 

Sanadkii 2002 Cabdala Deerow Isaaq wuxuu hogaaminayay ergadigii dawlada TNG (Transitional National Government) wuxuuna intii uu shirkan socday uu aad ugu ololeeyay in ay lama huraan tahay in dalka Soomaaliya lagu maamulo hannaanka federaalka si loo helo qaab ku ay nabad iyo wada noolaansho ku helaan bulshada Soomaalida wuxuuna ka mid ahaa 24-tii hogaamiye ee saxiixay heshiiskii xabad joojinta iyo dhisidda dowlada federaalka.

Bishii September 2004 Cabdalla Deerow Isaaq wuxuu ka mid ahaa murashixiintii loo baratansiiyay jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dawlada federaalka ee uu ku guulaystay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo haatan ah Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, wuxuuna Cabdala Deerow Isaaq shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee muddo labo sano ah ka socday dalka Kenya dawladii ka dhalatay Golihii Wasiirada lagu soo dhisay loogu magacaabay Wasiirkii Dastuurka & Arrimaha Federaalka wuxuuna xilkan hayay ilaa dilkiisa.

 

Marxuum Cabdala Deerow Isaaq wuxuu ahaa nin bulshay ah oo bashaash ah oo dadka aad u ixtiraama runtana aan ka gaban oo marna aan ka baqin in uu si bareer ah oo saraaxad leh ugu cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed siiba masaaliixda siyaasadeed ee qowmiyaada Digil iyo Mirifle warbaahinta iyo siyaasiyiinta ay jaalka ahaayeen taasoo aakhirkii u horseeday in loo maleego shirqoollkii lagu dilay.

 

Marxuum Cabdala Deeow  Isaaq wuxuu ifka kaga tagay 7 caruur ah iyo laba xaas.

 

 Contact@Allarlaadi.com

 

01/20/07